Somalia Youth for Peace and Development Organization

Women’s Rights in Islam/Xuquuqda Haweenka ee Islaamka

Hordhac

Xuquuqda haweenka ee Islaamka waa mawduuc laga dooday qarniyo badan. Inkasta oo diinta Islaamku ay haweenka siisay xuquuq badan, haddana fasiraadda dhaqanka iyo bulshooyinka qaarkood ayaa mararka qaar horseeday faham khaldan iyo marin-habaabin Soo jeedintan waxay iftiiminaysaa xuquuqda haweenka ee Islaamka, iyada oo la xoojinayo caddaaladda, sinnaanta, iyo sharafta dumarka Muslimiinta ah.


  1. Xuquuqda Waxbarashada

Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa in ragga iyo dumarkuba ay aqoon helaan. Nebi Muxammad (NNKH) wuxuu yiri:
“Raadinta cilmigu waa waajib saaran Muslim kasta.” (Ibn Maajah)

Soo jeedin:

  1. Dawladaha iyo hay’adaha diinta waa in ay hubiyaan in haweenku helaan waxbarasho isku mid ah tan ragga
  2. Culimada waa in ay si joogto ah ugu wacdiyaan mujtamaca muhiimadda waxbarashada dumarka.

  1. Xuquuqda Shaqada iyo Ka Qaybgalka Dhaqaalaha

Islaamku wuxuu oggol yahay in haweenku shaqeeyaan, hantida lahaan karaan, iyo ganacsiga ka qaybqaataan Khadiija (RC), xaaskii Nebiga waxay ahayd ganacsato guuleysatay

Soo jeedin:

  1. Haweenka waa in la dhiirrigeliyo si ay uga qaybqaataan suuqa shaqada iyaga oo ilaalinaya qiyamka Islaamka
  2. Goobaha shaqadu waa in ay noqdaan kuwo ammaan ah oo ixtiraam u haya haweenka.
  3. Haweenku waa in ay helaan madax-bannaani dhaqaale, iyaga oo leh xaqa ay u leeyihiin inay hantida maamulaan, dhaxlaan, iyo ganacsi yeeshaan

  1. Xuquuqda Guurka iyo Furiinka

Islaamku wuxuu adkeeyey in haweenka oggolaanshahooda lagu guursado. Nebiga (NNKH) wuxuu yiri:
“Naag la soo furay iyadaa xaq u leh inay go’aan ka gaarto nafteeda, gabar bikrad ahna waa in la weydiiyaa oggolaansho” (Bukhaari)

Soo jeedin:

  1. Guurka khasabka ah waa in la cambaareeyo oo sharci ahaan loo mamnuuco.
  2. Haweenku waa in ay xaq u yeeshaan inay furiin (Khula) dalbadaan iyaga oo aan la faquuqin.
  3. Barnaamijyo wacyigelin ah waa in la hirgeliyo si haweenka loogu baraarujiyo xuquuqdooda guurka ee Islaamka.

  1. Xuquuqda Sharafta iyo Ka Badbaadidda Xadgudubka

Islaamku si adag ayuu u mamnuucay dulmiga iyo xadgudubka haweenka. Nebiga (NNKH) wuxuu yiri:
“Kan idiinku wanaagsan waa ka ugu wanaagsan xaasaskiisa.” (Tirmidi)

Soo jeedin:

  1. Waa in si adag loo hirgeliyo sharciyo ka hortagaya rabshadaha ka dhanka ah haweenka, tacaddigaiyo xadgudubka
  2. Culimada waa in ay si cad ugu hadlaan ka hortagga rabshadaha ku salaysan jinsiga.
  3. Waa in la dhiso xarumo taageero si ay u caawiyaan haweenka la kulma xadgudub.

  1. Xuquuqda Dhaxalka

Islaamku wuxuu haweenka siiyay xaq ay dhaxalka ugu leeyihiin, sida ku cad Quraanka Kariimka ah (Suuradda An-Nisaa 4:7). Si kastaba ha ahaatee, bulshooyinka qaar haweenka xuquuqdooda dhaxalka waa laga duudsiiyaa

Soo jeedin:

  1. Waa in si sax ah loo hirgeliyaa sharciga dhaxalka ee Islaamka.
  2. Haweenka waa in ay helaan taageero sharci si ay u helaan xuquuqdooda dhaxalka.
  3. Waa in la sameeyo olole wacyigelin ah oo lagu barayo bulshada xuquuqda dhaxalka ee haweenka.

  1. Xuquuqda Ka Qaybgalka Bulshada iyo Hoggaaminta

Taariikhda Islaamku waxay leedahay tusaalooyin haween hoggaan ka ahaa, sida Caasha (RC), oo ahayd caalimad iyo la-taliye Muslimiinta u ahayd.

Soo jeedin:

  1. Haweenka waa in lagu dhiirrigeliyo ka qaybgalka horumarinta bulshada, siyaasadda, iyo hoggaaminta
  2. Culimada Islaamka waa in ay muujiso doorka haweenku ku lahaayeen bulshadii hore ee Islaamka.

Gabagabo

Islaamku wuxuu haweenka siiyay xuquuq ballaaran, balse dhaqamada qaar ayaa mararka qaar daboolay xaqiiqooyinkan Soo jeedintan waxay ugu baaqaysaa bulshada in la sameeyo wacyigelin, dib-u-habaynta sharciga, iyo dadaallo wadajir ah si haweenka Muslimiinta ah ay u helaan xuquuqda ay Islaamku siiyay Hirgelinta tallaabooyinkan waxay horseedi doontaa bulsho cadaalad iyo sinnaan leh, taas oo haweenku si xor ah ugu horumari karaan iyaga oo ilaalinaya diintooda iyo qiyamkooda

_________________________________________________________________________________

Women’s Rights in Islam

Introduction

Women’s rights in Islam have been a subject of discussion for centuries. While Islamic teachings grant women various rights, cultural and societal interpretations have sometimes led to misunderstandings and misapplications. This proposal aims to highlight and reinforce women’s rights within the framework of Islamic teachings, ensuring justice, equality, and dignity for all Muslim women.

  1. Right to Education

Proposal:

Islam encourages both men and women to seek knowledge. The Prophet Muhammad (PBUH) said, “Seeking knowledge is an obligation upon every Muslim.” (Ibn Majah)

Proposal:

  1. Governments and religious institutions should ensure equal access to education for women at all levels.
  2. Scholars should emphasize the Islamic obligation of female education in sermons and teachings.
  3. Right to Work and Economic Participation.

Islam allows women to work, own property, and engage in trade. Khadijah (RA), the wife of the Prophet, was a successful businesswoman.

  1. Women should be encouraged to participate in the workforce while maintaining their Islamic values.
  2. Workplace policies should ensure safe and respectful environments for women.
  3. Women should have financial independence, including the right to own property, inherit wealth, and manage businesses.
  4. Right to Marriage and Divorce

Islam emphasizes the importance of consent in marriage. The Prophet (PBUH) stated, “A woman who has been previously married has more right to decide about herself than her guardian, and a virgin’s consent must be asked.” (Bukhari)

Proposal:

  1. Forced marriages should be condemned and legally prevented.
  2. Women should have the right to seek divorce (Khula) without social stigma.
  3. Awareness programs should educate women about their marital rights in Islam.
  4. Right to Dignity and Protection from Violence

Islam strictly prohibits any form of injustice or violence against women. The Prophet (PBUH) said, “The best among you are those who are best to their wives.” (Tirmidhi)

Proposal:

  1. Laws should be enforced to prevent domestic violence, harassment, and abuse.
  2. Religious leaders should actively speak against gender-based violence.
  3. Support centres should be established to help women face abuse.
  4. Right to Inheritance

Islam grants women a share of inheritance, as stated in the Quran (Surah An-Nisa 4:7). However, in some societies, women are denied this right.

Proposal:

  1. Strict implementation of Islamic inheritance laws.
  2. Legal support for women to claim their rightful inheritance.
  3. Awareness campaigns to educate people about inheritance rights in Islam.
  4. Right to Participate in Society and Leadership

Islamic history includes examples of women in leadership, such as Aisha (RA), who was a scholar, and advisor to many.

Proposal:

  1. Women should be encouraged to participate in community development, politics, and leadership roles.
  2. Islamic scholars should highlight the contributions of women in early Islamic society.

Conclusion

Islam grants women extensive rights, but cultural practices have sometimes overshadowed these teachings. This proposal calls for renewed awareness, legal reforms, and community efforts to ensure that Muslim women fully enjoy the rights that Islam has already provided them. Implementing these measures will lead to a more just and balanced society where women can thrive while maintaining their faith and values.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top