On 9 November 2025 SOYPED Organizattion successfully held a Community and Police Dialogue Forum in Baidoa to strengthen cooperation in preventing theft and robbery. The forum was officially opened by the Deputy Chairperson of Humanitarian Affairs, Bay Region, and featured five panelists including the chairman, two police officers, one elder, and one CSO representative. The event brought together 60 participants from 10 villages, including elders, women, and youth. Discussions focused on community-driven solutions to theft prevention and improving coordination with the police. As a result, participants agreed on clear follow-up actions to enhance trust, collaboration, and timely crime reporting in their villages.
_____________________________________________________________________
Tariikhdu markey ahayd 9.11.2025 Hay’adda SOYPED ayaa si guul ah magaalada Baydhabo ugu qabatay dood-wadaag u dhaxeysay bulshada iyo booliska oo lagu xoojinayo iskaashiga ka dhanka ah tuugada iyo dhaca. Doodda waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Gargaarka ee Gobolka Bay, waxaana ka qayb galay shan khabiir oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha, laba saraakiil boolis ah, hal oday, iyo hal wakiil oo ka socday ururada bulshada rayidka ah (CSOs).
Kulanka waxaa ka soo qayb galay 60 qof oo ka kala yimid 10 xaafadood, oo ay ku jiraan odayaal, haween iyo dhalinyaro. Doodaha ayaa diiradda lagu saaray xalalka ay bulshada hormuudka ka tahay ee looga hortagayo tuugada iyo sidii loo wanaajin lahaa isku xirka bulshada iyo booliska.
Ugu dambeyntii, ka qaybgalayaasha waxay isla qaateen tallaabooyin cad-cad oo lagu xoojinayo kalsoonida, iskaashiga, iyo soo gudbinta warbixinnada dambiyada si degdeg ah gudaha xaafadaha magaalada Baydhaba.
























